Booliska Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saaray Xadgudubyada Deegaanka Iyo Duur-joogta

Monday October 05, 2026 - 21:56:41
hadhwanaagnews
Gaashaanle Sare Cabdicasiis ayaa sidoo kale sheegay in qaybo badan oo ka mid ah geedaha



Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalinta Deegaanka iyo Duur-joogtu tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta deegaanka iyo duur-joogta Somaliland.

Afhayeenka ayaa hadalkan ka sheegay ololaha wacyigelinta ilaalinta deegaanka iyo duur-joogta, isagoo xusay in qof kasta oo waxyeello u geysta deegaanka loo aqoonsan doono eedaysane, isla markaana loo gudbin doono hay’adaha sharciga ah.

"Ciidanka Ilaalinta Deegaanka iyo Duur-joogtu waxa uu u xil-saaran yahay in cid kasta oo ku xadgudubta deegaanka iyo duur-joogta ay tallaabo sharci ah mariyaan. Qof kasta oo ku xadgudbana waxa uu noqonayaa eedaysane qaranka, waxaana la horgeyn doonaa hay’adaha sharciga ah,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Gaashaanle Sare Cabdicasiis ayaa sidoo kale sheegay in qaybo badan oo ka mid ah geedaha ku yaalla kaymaha lagu rakibay kamarado lagu ilaalinayo deegaanka, kuwaas oo lagu ogaanayo dadka geedaha guba ama waxyeello u geysta deegaanka iyo duur-joogta.

Waxa uu tilmaamay in kamaraduhu awood u leeyihiin inay duubaan qofka falka geysta, xitaa haddii uu isku dayo inuu waxyeello u geysto geedka ay kamaraddu ku xidhan tahay.

"Geed kasta oo meel ku yaalla ama kaymaha aad arkaysaan, boqolkiiba 80 waxa noogu xidhan kamarado, waxaanay duubayaan cidda deegaanka iyo duur-joogtaba dhibaatada gaadhsiinaysa,” ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu dambayn, Afhayeenku wuxuu bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan fal kasta oo waxyeello u geysanaya deegaanka iyo duur-joogta, isagoo xusay in cid kasta oo ku kacda falalkaas lala tiigsan doono sharciga.

     
Loading...