Agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka Hargeysa Oo Ka Hadlay Qorshaha Dib-u-habaynta Adeegyada Caafimaadka

Saturday July 11, 2026 - 12:32:45
hadhwanaagnews
Dr. Cayngal ayaa xusay in markii loo magacaabay xilka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda



Agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa, Dr. Cabdiraxmaan Cabdisamad Cayngal, ayaa sheegay in isbeddellada iyo dib-u-habaynta ka socda cisbitaalka ay ku salaysan yihiin himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.


 

Dr. Cayngal ayaa xusay in markii loo magacaabay xilka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku dardaarmay in dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyo adeegyada caafimaadka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Hargeysa.


 

Agaasime Ku-xigeenku waxa uu sheegay in maamulka cisbitaalku ka shaqaynayo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka, hagaajinta maamulka iyo horumarinta adeegyada ay bulshada ka helaan cisbitaalka.


 

"Wixii ugu horreeyey ee uu Madaxweynuhu nagala hadlay markii naloo magacaabay waxay ahayd in Cisbitaalka lagu sameeyo isbeddel dhinac kasta ah, ha noqoto adeegyada caafimaadka ama qaybaha kale ee cisbitaalka,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Cabdisamad Cayngal.

     
Loading...