hadhwanaagnews
Hargeysa – Kalfadhigii 29-aad ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa maanta lagaga hadlay dardargelinta qorshayaasha 5-ta sano ee Wasaaradda, muddada 2025–2030.
Kalfadhiga oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda, waxaana ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.
Ugu horreyn, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixin lagu qiimeeyey waxqabadka lixda bilood ee ugu horreeyey sannadka 2026, iyadoo dib-u-eegis lagu sameeyey qorshayaasha iyo hawlaha waaxyaha, waxqabadkii la gaadhay iyo caqabadaha jira.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-xidhka waaxyaha Wasaaradda, si loo xaqiijiyo hirgelinta mudnaanta Wasaaradda iyo waafajinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP3).
Qodobada muhiimka ah ee shirka lagu lafa-guray waxaa ka mid ahaa helitaanka iyo maaraynta tallaalka xoolaha, iyadoo la isla qaatay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in la helo tallaal ku filan oo joogto ah, kaas oo daboolaya baahiyaha caafimaadka xoolaha.
Shirku wuxuu ku soo dhammaaday go’aamo iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dardargelinayo waxqabadka Wasaaradda, wax looga qabanayo caqabadaha jira, laguna xoojinayo wada-shaqaynta waaxyaha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyinkan lagu doonayo in lagu xaqiijiyo hirgelinta mudnaanta istaraatiijiyadeed iyo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda.