Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo Digniin u Diray Dugsiyada Sare ee Somaliland

Friday August 07, 2026 - 10:46:14
hadhwanaagnews
Xafiisku wuxuu sheegay in go'aankani uu ku salaysan yahay



Hargeysa – Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland ayaa soo saaray digniin rasmi ah oo ku socota dhammaan dugsiyada sare ee dalka, gaar ahaan dugsiyada hoyga (Boarding Schools), isagoo faray inaan la qaadan ama fasallada la fadhiisin ardayda gelaysa Fasalka 1-aad (Form One) ka hor inta aan la shaacin natiijada kama dambaysta ah ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026.


 

Xafiisku wuxuu sheegay in go'aankani uu ku salaysan yahay wareegtadii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, taas oo mamnuucaysa diiwaangelinta ardayda cusub ilaa natiijada rasmiga ah ee imtixaanka la soo saaro.


 

Sidoo kale, Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka ayaa uga digay maamulayaasha dugsiyada in aanay fasallada fadhiisin arday aan weli haysan shahaadada dugsiga dhexe ee uu bixiyo xafiisku.


 

Xafiisku wuxuu caddeeyey in dugsi kasta ama maamule lagu helo jebinta amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.


     
Loading...