Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Gaadhay Ceel Afweyn, Kana Daah-furaya Mashruuc Biyo Macaan

Sunday October 04, 2026 - 15:34:54
hadhwanaagnews
Mashruuca ayaa lagu sheegay inuu wax ka tari doono baahida biyaha ee ka jirta degmada



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa inta ay degmada ku sugan yihiin daah-furaya Mashruuca Biyaha Macaan ee deegaanka Ilad, kaas oo biyo laga soo jiidayo deegaankaas si loogu gaadhsiiyo bulshada ku nool degmada Ceel Afweyn.

Mashruuca ayaa lagu sheegay inuu wax ka tari doono baahida biyaha ee ka jirta degmada iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo bulshada deegaanka ay si weyn u soo dhawaysay hirgelintiisa.

Intii uu Wasiirka iyo weftigu ku sugnaayeen Ceel Afweyn, waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka wada hadlay baahiyaha dhinaca biyaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee degmada.

Bulshada Ceel Afweyn ayaa muujisay soo dhawayn ballaadhan oo ay u sameeyeen mashruucan, iyagoo sheegay inuu wax weyn ka tari karo baahida biyo la’aanta ee degmada iyo deegaannadeeda.

     
Loading...