hadhwanaagnews
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Gobolka Sanaag ka bilawday hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyadoo Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ay gobolka ka waddo siddeed mashruuc, shan ka mid ahna ay si gaar ah ugu saabsan yihiin adeegyada biyaha.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, oo gaadhay degmada Ceel-afwayn, ayaa halkaasi ka daah-furay Mashruuca Biyaha Macaan ee deegaanka Ilaad, kaas oo loogu talagalay in bulshada deegaanka lagu gaadhsiiyo biyo nadiif ah oo la isku hallayn karo.
Mashruuca Ilaad ayaa qayb ka ah siddeedda mashruuc ee Wasaaraddu ka waddo Ceel-afwayn, waxaana si gaar ah loogu talagalay wax ka qabashada biyo la’aanta oo muddo dheer ka mid ahayd caqabadaha waaweyn ee haysta bulshada deegaanka.
Wasiir Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa sheegay in Wasaaraddu dadaal badan gelisay sidii bulshada Ceel-afwayn loo gaadhsiin lahaa biyo ku filan, isagoo xusay in hawlaha lagu xallinayo baahida biyaha deegaanka ay socdaan.
"Ceel-afwayn dhibta ugu weyn ee ay qabtaa waa haraad. Siddeed mashruuc ayaanu wadnaa oo shan ka mid ahi biyo yihiin. Deegaanka Ilaad kaliya maaha; waxa naga go’an in aad biyo heshaan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaradda ku qaadatay muddo lix bilood ah sidii biyo loogu soo gaadhsiin lahaa deegaanka Ceel-afwayn, isagoo bulshada ugu baaqay inay si buuxda uga qaybqaataan hirgelinta mashruuca.
"Lix bilood ayay igu qaadatay in Ceel-afwayn biyo loo helo,” ayuu yidhi Maxamed Cabdimaalik Axmed, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland uu kala hadlay xaaladda biyaha ee Ceel-afwayn, isla markaana uu bulshada deegaanka u ballanqaaday in wax laga qaban doono baahida biyaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale bulshada Ceel-afwayn ugu baaqay inay la shaqeeyaan Wasaaradda iyo hay’adaha fulinaya mashaariicda, isagoo sheegay in horumarinta adeegyada aasaasiga ahi u baahan tahay wada-shaqayn dhex marta bulshada iyo hay’adaha dawladda.
"Xukuumadda waad doorateen, waana idiin mahadcelinaynaa, balse wixii aad noo doorateen ayaanu wadnaa. Naga guddooma oo nala shaqeeya. Habeen iyo maalin sidii Ceel-afwayn biyo u heli lahayd ayaa loo roorayaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Mashruuca Biyaha Macaan ee Ilaad ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono baahida biyaha ee bulshada deegaanka, iyadoo adeegga biyuhu muhiim u yahay cabitaanka iyo nolol-maalmeedka bulshada, caafimaadka, xoolaha iyo wax-soo-saarka.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii mashruucu hirgalo ay bulshada Ceel-afwayn heli doonaan biyo ay cabbaan, halka dadka doonaya inay wax beertana ay ka faa’iidaysan doonaan adeegga biyaha. "Reer Ceel-afwayneey, waad cabaysaan, kuwo aan wax ku beeratana waad helaysaan,” ayuu yidhi.
Intii uu Wasiirku ku sugnaa Ceel-afwayn, waxa uu kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagaga wada hadlay baahiyaha biyaha, mashaariicda horumarineed iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada bulshada.
Bulshada Ceel-afwayn ayaa soo dhawaysay Mashruuca Biyaha Macaan ee Ilaad, iyagoo sheegay in biyo la’aantu tahay mid ka mid ah baahiyaha ugu waaweyn ee deegaanka, isla markaana mashruucu muhiim u yahay nolosha dadka, xoolaha iyo horumarinta wax-soo-saarka degmada Ceel-afwayn iyo guud ahaan Gobolka Sanaag.