Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo Sheegay in Wasaaraddu Difaacdo Dadka Danyarta ah

Saturday August 08, 2026 - 19:24:12
hadhwanaagnews
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ka shaqayso sidii loo difaaci lahaa dadka danyarta ah ee u baahan in laga caawiyo adeegyada garsoorka iyo maxkamadaha.

 

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka "La Hadal Xisbigaaga” ee Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale ka hadlay shaqada baaxadda leh ee ka socota Wasaaradda Caddaaladda iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caddaaladda.

 

Wasiir Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu door muhiim ah ka qaadato isku-xidhka hay’adaha kala duwan ee caddaaladda, oo ay ka mid yihiin Garsoorka, Booliska iyo Xeer-ilaalinta.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Wasaaradda Caddaaladu waxa ay isku xidhaa adeeg kasta oo caddaaladeed oo Somaliland ah.”

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale tilmaamay in adeegyada caddaaladdu ay muhiim u yihiin ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan dadka aan awoodin kharashaadka la xidhiidha helitaanka qareenno iyo adeegyada garsoorka.

     
Loading...