hadhwanaagnews
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, ayaa shir toddobaadle ah la yeeshay Agaasime-waaxeedyada, ku-xigeennada iyo Tafatirayaasha Guud ee Wasaaradda.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka Wasaaradda, horumarinta hawlaha socda iyo sidii loo xoojin lahaa waxqabadka waaxyaha kala duwan.
Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa masuuliyiinta Wasaaradda kula dardaarmay inay xoojiyaan doorkooda shaqo ee ay Qaranka u hayaan, isla markaana si hufan u hirgeliyaan mudnaanta qaranka ee Wasaaradda loo xil saaray.
Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta masuuliyiinta iyo isku-xidhka waaxyaha, si loo dardargeliyo hawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.