Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland oo Ceerigaabo ka wada-hadlay dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta

Monday August 10, 2026 - 13:58:21
hadhwanaagnews
Wasiir Ku-xigeenka iyo madaxda Wasaaradda ayaa Maayarka kala hadlay

May be an image of one or more people, dais, newsroom and text that says 'CEERIGAABO ዩ LOCAL GOVERNN CORLIEN'


Ceerigaabo – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Galleydh, iyo wefti ka socday Wasaaradda Waxbarashada, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sanaag, ayaa kulan la qaatay Maayarka Magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.

 

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Maayarka Ceerigaabo ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa dhul ku habboon oo laga hirgeliyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee magaalada.

 

Wasiir Ku-xigeenka iyo madaxda Wasaaradda ayaa Maayarka kala hadlay muhiimadda ay leedahay in Ceerigaabo laga hirgeliyo xarun lagu barto xirfadaha farsamada gacanta, taas oo fursado waxbarasho iyo shaqo u abuuri karta dhalinyarada magaalada iyo guud ahaan Gobolka Sanaag.

 

Maayarka Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa dhinaciisa ballan qaaday inuu bixin doono dhul ku habboon dhismaha dugsiga, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo xirfadaha farsamada gacanta.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee lagu ballaadhinayo waxbarashada farsamada gacanta, si dhalinyarada loogu qalabeeyo xirfado ay mustaqbalka kaga qayb qaadan karaan horumarka bulshada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

May be an image of one or more people and text
May be an image of one or more people and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and text
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people, dais and text



     
Loading...