hadhwanaagnews

Hargeysa – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland.
Kormeerka ayaa qayb ka ahaa u kuurgalka habsami-u-socodka hawlaha qaranka iyo sida hay’adaha dowladdu u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee ay u hayaan shacabka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu warbixinno ka dhegaystay madaxda sare iyo masuuliyiinta wasaaradda, isagoo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo adeegyada loo qabanayo shacabka.
Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda nidaamka, isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka shaqo, si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladdu si hufan u gutaan masuuliyadaha loo igmaday.
Kormeerkan kediska ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada shaqo ee hay’adaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.