Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Soo Dhaweeyey Hadalka Trump Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Tuesday October 13, 2026 - 21:13:31
hadhwanaagnews
Maxamed Abiib ayaa yidhi: "Waxaan si weyn ula dhacay dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweynaha


Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa soo dhaweeyey hadal uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ku kala saaray Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo miisaan siyaasadeed leh oo muujinaysa in aan la iska indho tiri karin jiritaanka Somaliland, nabadda iyo horumarka ay gaadhay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadalka Trump uu muhiimad siyaasadeed u leeyahay Somaliland, isaga oo xusay in dedaalka, samirka iyo adkaysiga shacabka Somaliland aanay khasaarayn. Waxa uu bulshada ugu baaqay inay adkayso midnimadeeda, ilaaliso rajadeeda, isla markaana sii waddo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta himiladeeda aqoonsi-raadinta.

Maxamed Abiib ayaa yidhi: "Waxaan si weyn ula dhacay dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee uu ku kala saaray Somaliland iyo Soomaaliya. Tani waa guul weyn oo muhiim ah iyo markhaati aan la dafiri karin oo muujinaya in jiritaanka Somaliland iyo xaqiiqada taalla dhulkeenna ee nabadda, dimuqraadiyadda iyo koboca bulshadu yihiin arrimo aan la iska indho tiri karin.”

Waxa uu intaa ku daray in hadal ka soo yeedha hoggaamiyaha Maraykanka uu xambaarsan yahay miisaan siyaasadeed, isaga oo yidhi: "Ma aha arrin sahlan in hoggaamiyaha dalka ugu awoodda badan dunidu si cad u kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya, hadal-hayntiisuna waa tallaabo xambaarsan miisaan siyaasadeed oo macne weyn leh.”

Xildhibaanku waxa uu farriin u diray shacabka Somaliland, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay ku adkaystaan himiladooda, kuna kalsoonaadaan dadaallada ay ugu jiraan aqoonsi-raadinta.

"Shacbi-weynaha Somaliland waxaan leeyahay, tacabkeenna iyo samirkeennu cidla ku dhici maayaan. Midhaha dulqaadkeenna iyo adkaysigeenna waynu dhaxli doonaa mar aan fogayn. Sidaas darteed, waxa inala gudboon in aynu adkayno midnimadeenna, ilaalinno rajadeenna, kuna sii soconno jidka ka dhabaynta himiladeenna aqoonsi-raadinta,” ayuu yidhi Maxamed Abiib.
     
Loading...