Cabdikariin Axmed Mooge: "Trump Inooma Sheegi Karo In Aan Magaca Somaliland Beddelno"

Wednesday October 14, 2026 - 15:30:36
hadhwanaagnews
"Magaca dalkeenna ee Somaliland waa magacii hore ee taariikhdeenna,



Duqii hore ee Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in magaca Somaliland uu salka ku hayo taariikhda dalka, isla markaana shacabka Somaliland ay iyagu xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaadhaan haddii la doonayo in magaca la beddelo.

 

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xusay in magaca Somaliland uu yahay magac taariikhi ah oo mar kale lagu doortay shirkii Burco, isaga oo caddeeyey in go’aanka ku saabsan magaca dalka aanu cid kale u taallin.

 

"Magaca dalkeenna ee Somaliland waa magacii hore ee taariikhdeenna, mar kalena shirkii Burco ayaynu ku doorannay in dalkeenna la yidhaahdo Somaliland,” ayuu yidhi.

 

Waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Donald Trump aanu Somaliland u sheegi karin inay beddesho magaceeda, isaga oo sheegay in waxa laga doonayo ay tahay aqoonsi, halkii laga geli lahaa dood ku saabsan beddelka magaca.

 

"Trump inooma sheegi karo in aan beddelno magaca iyo in kale. Isaga waxaan ka rabnaa in uu ina aqoonsado. Dadka reer Somaliland ayay u taallaa in ay afti u qaadaan beddelka magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo in kale. Doodda magac-beddelku innaga, Somaliland, ha inaga timaaddo,” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.

     
Loading...