Somaliland Oo Hargeysa Ku Xustay Maalinta Caalamiga Ah Ee Yaraynta Khataraha Aafooyinka

Tuesday October 13, 2026 - 20:59:36
hadhwanaagnews
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ilaalinta nolosha dadka iyo ka hortagga khataraha

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta lagu qabtay munaasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Yaraynta Khataraha Aafooyinka, oo sannad kasta laga xuso meelo badan oo dunida ah, laguna baraarujiyo muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo yaraynta khataraha masiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (NADFOR), Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in hal-ku-dhegga maalintan sannadkan uu yahay "Adkaysigu waxa uu ka bilaabmaa guriga.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ilaalinta nolosha dadka iyo ka hortagga khataraha aafooyinku ay ka bilaabmaan guryaha ay qoysasku ku nool yihiin, carruurtu ku barbaaraan, isla markaana ay ku tiirsan yihiin nolol-maalmeedkooda.

Waxa uu caddeeyey in guri u adkaysta aafooyinku aanu ku koobnayn oo keliya dhisme adag, balse ay muhiim tahay in qoysasku fahmaan khataraha ku xeeran, ogaadaan sida looga gaashaanto, isla markaana yeeshaan diyaargarow ay kaga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Munaasibaddan ayaa iftiiminaysa muhiimadda ay leedahay in qoysaska iyo bulshada lagu baraarujiyo khataraha aafooyinka, si loo xoojiyo diyaargarowga, loona yareeyo khasaaraha naf iyo maal ee ka dhalan kara masiibooyinka.
     
Loading...