hadhwanaagnews
Hargeysa – Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda, kana shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka.
Samaale oo hadalkan ka jeediyey munaasabad qalin-jabin ah oo ay qabatay Jaamacadda Frantz Fanon, ayaa ardayda qalin-jabinaysay kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada iyo dalka.
Waxa uu sidoo kale Alle uga baryey Somaliland iyo shacabkeeda in aqoonsiga ay heleen loo siyaadiyo, isagoo yidhi:
"Aqoonsiga aynu helnay, Ilaahay ha inoo siyaadiyo.”
Dhanka kale, Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa bogaadiyey dadaalka uu waxbarashada geliyey Dr. Bulxan, oo ah aasaasaha Jaamacadda Frantz Fanon, isaga oo ku tilmaamay tusaale wanaagsan oo ka mid ah haldoorka dalka.
Samaale ayaa sidoo kale ku boorriyey bulshada inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xoojinta amniga, si loo dhowro xasilloonida iyo horumarka dalka.