Ku-xigeenka 1-aad Ee KULMIYE Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Tirsan Laanta Xisbiga Ee Faransiiska

Saturday October 03, 2026 - 13:41:25
hadhwanaagnews
Kulanka waxaa Guddoomiye ku-xigeenka ku wehelinayay Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE e



Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Laanta KULMIYE ee Faransiiska, Marwo Ifraax Yuusuf Cumar, iyo Shukri Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee laanta, kuwaas oo booqasho ku yimid Somaliland.

 

Kulanka waxaa Guddoomiye ku-xigeenka ku wehelinayay Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE ee Qaranka, Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Xoghayaha Golaha Dhexe, Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi Xirsi, Siyaasi Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo ka tirsan Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

 

Intii uu kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay hawlaha iyo qorshayaasha xisbiga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray hawlaha Laanta KULMIYE ee dalka Faransiiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa shaqadeeda iyo abaabulkeeda.

 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagaga hadlay diyaar-garowga xaflado iyo kulamo la qorsheeyay in mustaqbalka dhow lagu qabto, kuwaas oo ay ka qayb geli doonaan madax ka tirsan Xisbiga KULMIYE.

     
Loading...