Xafiiska Amniga Badda Somaliland Oo Booqday Bandari Maritime Academy Ee Mombasa

Thursday September 24, 2026 - 14:05:47
hadhwanaagnews
Dr. Eric Katana ayaa wafdiga Somaliland faahfaahin ka siiyay barnaamijyada...


May be an image of one or more people

Mombasa, Kenya — Xafiiska Isku-duwidda Amniga Badda Somaliland (MSCO) ayaa booqasho shaqo ku tagay Bandari Maritime Academy ee magaalada Mombasa, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Agaasimaha Guud ee Akadeemiyadda, Dr. Eric Katana, iyo masuuliyiin sare.

 

Kulamada dhex maray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo tababarka badda, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo kobcinta awoodda hay’adaha Somaliland ee ka shaqeeya arrimaha badda.

 

Dr. Eric Katana ayaa wafdiga Somaliland faahfaahin ka siiyay barnaamijyada iyo fursadaha waxbarasho ee Akadeemiyadda, gaar ahaan kuwa la xidhiidha gaadiidka badda, maraakiibta iyo dhaqaalaha buluugga ah.

 

Wafdiga MSCO ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha Marine Engineering, Marine Transport iyo Port Equipment, iyadoo kormeerka ay hoggaaminayeen Maj. Rtd. Franklyne Toniok iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Akadeemiyadda.

 

Agaasimaha MSCO, Maxamed Aadan, iyo ku-xigeenkiisa Yaxye Maxamed ayaa uga mahadceliyey maamulka Bandari Maritime Academy soo-dhaweynta iyo wada-shaqaynta, iyaga oo muujiyey danaynta Somaliland ee sidii loo horumarin lahaa xirfadaha shaqaalaha iyo awoodda dhinaca amniga badda.

 

Kulamada waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Chief Eng. Joseph Mbuthia, Maj. Rtd. Menego Kipruto iyo Lucas Kahindi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga dhinacyada tababarka, aqoonta badda iyo horumarinta hay’adaha.

May be an image of newsroom and text
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people and suit
May be an image of swimming and pool

     
Loading...