hadhwanaagnews

Hargeysa – Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si degdeg ah uga falceliyey shoodh koronto oo ka kacay Kaalinta Shiidaalka ee Horn Petroleum-Omaar, oo ku taalla xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa.
Hawlgalka oo uu hoggaaminayey Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan "Sawaaxili", ayaa waxaa ka qayb qaatay gaadiidka casriga ah ee dab-damiska iyo ciidamo tiro badan, kuwaas oo si dhaqso leh u xakameeyey shoodhka korontada.
Sida ay sheegeen Ciidanka Dab-demisku, hawlgalkaasi wuxuu ka hortagay khatar weyn oo sababi kartay dab ka dhasha goobta shidaalka, taas oo keeni lahayd khasaare naf iyo maalba leh.
Ciidanka Dab-demiska ayaa bulshada ugu baaqay inay feejignaadaan khataraha ka dhasha ciladaha korontada, isla markaana si degdeg ah ula soo xiriiraan hay'adaha gurmadka marka ay arkaan xaalado halis gelin kara badbaadada shacabka.





