Dahir Qaasim ayaa ka mid ahaa maxaabiista muddada ugu dheer
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Maxbuus lagu magacaabo Dahir Qaasim Abdale, oo muddo 28 sannadood ah ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay, kaddib markii xabsiga laga sii daayey.
Dahir Qaasim ayaa ka mid ahaa maxaabiista muddada ugu dheer ugu xidhnaa arrimo la xidhiidha xuquuqda madaniga ah. Waxa uu noqday maxbuuskii ugu dambeeyey ee kooxdan ka tirsan ee la sii daayo, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland.
Sii-dayntiisa ayaa timid kaddib tallaabooyin uu qaaday Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, kaas oo kormeerro ku sameeyey xabsiyada dalka, si loo qiimeeyo xaaladaha maxaabiista iyo muddada ay xidhnaayeen.