Madaxweynaha Somaliland oo Ku Baaqay Ilaalinta Deegaanka: "Geed Beerista Waa Badbaadinta Nolosha"

Wednesday April 15, 2026 - 15:10:46
HADHWANAAGNEWS
"Deegaanka waa nolosha bini'aadamka, marka kasta oo la xaalufiyo


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro”, ayaa bulshada ku booriyay inay si wadajir ah u ilaaliyaan deegaanka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in nolosha bini’aadamku si toos ah ugu xidhan tahay badbaadada deegaanka.


 

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalufinta deegaanka ay keento dhibaatooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin roob la’aan, abaaro soo noqnoqda iyo isbeddello daran oo saameeya nolol-maalmeedka bulshada. Waxa uu tilmaamay in jarista dhirta iyo dayaca deegaanka ay horseedaan burbur ballaaran oo ku yimaada deegaanka iyo mustaqbalka dadka.


 

"Deegaanka waa nolosha bini’aadamka, marka kasta oo la xaalufiyo waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan sida roob yaraan iyo abaaro. Sidaa darteed waa in qof kasta uu door ka qaato, uguna yaraan hal geed beero,” ayuu yiri Madaxweynaha.


 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan wacyigelinta ilaalinta deegaanka, si loo helo mustaqbal cagaaran oo waara.

     
Loading...