Taliska Booliska Somaliland Oo Beeniyay In Saddex Dhallinyaro Ah Oo Dirays Boolis Xidhnaa Ay Ciidanka Ka Tirsan Yihiin

Tuesday September 22, 2026 - 10:11:23
hadhwanaagnews
"Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inaanay Ciidanka Booliska JSL ...

May be an image of one or more people, beard, people smiling and text


Hargeysa — Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa bulshada u caddeeyay in saddex dhallinyaro ah oo muuqaal iska duubay iyaga oo xidhan dirayska Ciidanka Booliska Somaliland aanay ka tirsanayn ciidamada.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in dhallinyarada muuqaalka ku jirta aysan ahayn xubno ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn hay’adda amniga.

"Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inaanay Ciidanka Booliska JSL ka tirsanayn saddex dhallinyaro ah oo muuqaal iskaga duubay iyaga oo xidhan dirayska Ciidanka Booliska,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay ku raad-joogaan dhallinyarada muuqaalka iska duubtay, si loo ogaado sababta ay u xidheen dirayska Booliska iyo tallaabada sharciga ah ee laga qaadi karo.

Booliska ayaa bulshada ugu baaqay inay xog kasta oo la xidhiidha dhallinyaradaasi ama muuqaalka soo gaadhsiiso hay’adaha amniga, iyadoo baaritaanka arrintan uu socdo.

     
Loading...