HADHWANAAGNEWS
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dadaal muuqda gelisay horumarinta ganacsiga kalluunka iyo dhiirrigelinta wax-soo-saarkiisa, iyadoo qorshayaal istiraatiiji ah ku wajahday ka faa’iidaysiga khayraadka hodanka ah ee badda Somaliland.
Dadaalladan ayaa diiradda saaraya in kalluumaysatada la siiyo fursado ay si wax ku ool ah uga faa’iidaystaan khayraadka badda, iyadoo la horumarinayo aqoontooda, qalabayntooda iyo suuq-geynta wax-soo-saarka kalluunka. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay qorshaha guud ee lagu xoojinayo dhaqaalaha qaranka isla markaana lagu abuurayo shaqooyin joogto ah.
Sannadkii 2025, Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland, ayaa hirgelisay barnaamijyo horumarineed oo muhiim ah. Waxaa ka mid ahaa tababarro casri ah oo la siiyay 200 kalluumaysato ah, kuwaas oo diiradda saaray farsamooyinka kalluumaysiga casriga ah, badbaadada badda, iyo hababka kaydinta kalluunka.
Sidoo kale, 600 kalluumaysato ayaa la gaadhsiiyey qalab kalluumaysi oo casri ah iyo tallaagado lagu kaydiyo kalluunka, taas oo kor u qaadday tayada wax-soo-saarka isla markaana yareysay khasaaraha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xusay in sannadkii 2025 uu si weyn u kordhay wax-soo-saarka iyo dhoofinta kalluunka, taas oo muujinaysa natiijada togan ee ka dhalatay taageerada ay xukuumaddu siisay kalluumaysatada.
Guud ahaan, dadaalladan isdaba-joogga ah ayaa horseeday koboc dhaqaale oo muuqda, kor u qaaday sumcadda wax-soo-saarka kalluunka Somaliland, isla markaana abuuray fursado shaqo oo ballaaran oo faa’iido u leh bulshada.