Indhaha Shacabka Oo Ku Foolan Soo Noqoshada Madaxweynaha Somaliland

Thursday May 07, 2026 - 13:33:07
hadhwanaagnews
Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah isha ugu haya soo noqoshada



Shacabka Somaliland ayaa si weyn u sugaya khudbadda iyo dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, oo weli ku guda jira safarkiisa dalka United Arab Emirates.


Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah isha ugu haya soo noqoshada Madaxweynaha ka hor munaasibadda weyn ee 18-ka May, iyadoo hadal-heyn badan ay ka dhalatay safarka iyo kulamada uu halkaasi ka wado.


Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta safarka, haddana wararka la isla dhexmarayo ayaa tilmaamaya in socdaalku la xidhiidho arrimo muhiim u ah danaha Somaliland, kuwaas oo la xidhiidha maalgashi, iskaashi iyo sahanno cusub.


Dad badan ayaa rumeysan in safarkan uu noqon doono mid shacabka farxad geliya, maadaama Madaxweynaha lagu tilmaamay inuu dalka ugu maqan yahay "ceelalyo iyo sahan” la xidhiidha mustaqbalka iyo horumarka Somaliland.

     
Loading...