hadhwanaagnews
Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 450 qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo dhawaan laga raray goob ay si ku-meel-gaadh ah u degganaayeen.
Dib-u-dejinta qoysaskan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda iyo dawladda hoose, iyadoo raashinka la qaybiyey uu ka yimid Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Agaasimaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo Guddoomiyaha Degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa sheegay in qoysaskan loo raray dhul ku habboon noloshooda oo leh fursado ka wanaagsan kuwii hore.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay xuseen in tallaabadan ay timid kadib amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mohamed Ali Aw Cabdi, kaas oo faray hay’adaha dowladda inay gaadhsiiyaan barakacayaasha adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.