HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Yasin Calase, ayaa ka hadlay nidaamka CG MODEL oo tababar loogu qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha dhaqaalaha dalka.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in agabkan lagu baranayo tababarka uu muhiimad weyn u leeyahay falanqaynta iyo qorshaynta dhaqaalaha, isaga oo ku tilmaamay mid la mid ah qalabka shaybaadhka caafimaadka ee lagu baadho xaaladda bukaanka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in nidaamkani u baahan yahay xog sax ah oo lagu shubo, si natiijada ka soo baxda ay u noqoto mid sax ah oo lagu kalsoonaan karo.
Agaasimaha ayaa yidhi:
"Aqoontan aynu maanta baranaynaa waa sida laabkii dhaqaalaha waddanka. Lab-ka dhaqaalaha waddankan waxa uu u baahan yahay xog sax ah. Marka aynu agabkan baranno, waxa muhiim ah in la soo ururiyo xogtii saxda ahayd ee ka jirta dalkeenna, si natiijooyinka ka soo baxa ay u noqdaan kuwo sax ah.”
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa xusay in ururinta xog sax ah oo ku saabsan dhaqaalaha dalka ay muhiim u tahay go’aan qaadasho sax ah iyo horumarinta siyaasadaha dhaqaalaha ee mustaqbalka.