hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa maanta shacabka magaalada Gebilay kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-Fidriga, isaga oo halkaas ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya.
Wasiirku waxa uu sheegay in dib-u-dhiska garoonka weyn ee kubadda cagta Gebilay uu marayo heer wanaagsan, isla markaana si dhakhso ah loo dhamaystiri doono, taas oo kor u qaadaysa horumarinta ciyaaraha iyo fursadaha dhalinyarada ee gobolka.
Sidoo kale, waxa uu si gaar ah uga hadlay xaaladda nabadgelyo ee gobolka Gebilay, isaga oo ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu amniga wanaagsan Somaliland. Wasiirku waxa uu ku ammaanay shacabka doorka ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo dhismaha dawladnimada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo laamaha ammaanka.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay arrimaha aqoonsiga Somaliland, isaga oo muujiyay rajo wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu Alle ka rajaynayo in dalal waaweyn oo dheeraad ahi aqoonsan doonaan Somaliland, isla markaana dalka uu noqon doono mid ay dunidu si weyn ula macaamisho.
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya isku xidhka u dhexeeya horumarka, amniga iyo rajada mustaqbalka, kuwaas oo laf-dhabar u ah koboca iyo horumarka Somaliland.