Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Oo Fariin U Diray Dhakhaatiirta Iyo Xoola-dhaqatada, Kana Digay Ku Tuman Seerayaasha

Tuesday April 14, 2026 - 06:26:32
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu si joogto ah u waddo dadaallo

 

 

Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cumar Shucayb, oo kormeer shaqo ku marayey gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, ayaa fariin u diray dhakhaatiirta adeegyada daaweynta iyo nafaqaynta xoolaha ka wada gobollada dalka, iyo sidoo kale bulshada xoola-dhaqatada ah.

 

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu si joogto ah u waddo dadaallo lagu daryeelayo caafimaadka xoolaha, isagoo xusay in kooxo dhakhaatiir ah loo kala diray dhammaan gobollada si ay u bixiyaan adeegyada daaweynta iyo nafaqaynta xoolaha. Waxa uu xoola-dhaqatada u ballanqaaday in xukuumaddu ka go’an tahay inay ka taageerto wixii awoodeeda ah.

 

"Xukuumadda wadajir iyo wax-qabad ee aanu ka tirsanahay waxaanu idiin ballanqaadaynaa in aanaan waxba idin kala hadhin wixii awoodayada ah, gaar ahaan daawaynta xoolaha, tayeyntooda iyo tababarka bulshada xoola-dhaqatada ah,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xooluhu yihiin laf-dhabarta nolosha bulshada, gaar ahaan xilliyada adag, isaga oo ku booriyey bulshada inay si gaar ah u ilaaliyaan seerayaasha si xooluhu uga badbaadaan abaaraha.

 

Wasiirka ayaa digniin adag ka bixiyey ku tumashada seerayaasha iyo jarista dhirta, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid dambi ah, isla markaana waxyeello u leh deegaanka iyo badbaadada xoolaha.

 

"Iskadaa in la dagee, geed lagama jari karo,” ayuu si cad u sheegay Wasiirku.

 

Ugu dambayn, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah, si loo xaqiijiyo badbaadada xoolaha iyo nolol waarta oo bulshada u horseedda horumar.

     
Loading...