WAR CUSUB: Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan La Qaatay Sheekh Cabdirisaaq

Wednesday May 06, 2026 - 12:31:16
hadhwanaagnews
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dib-u....

May be an image of one or more people, dais and text


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Cabdillaahi Cabdi.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dib-u-habaynta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada iyo qur’aanka ka baxa idaacadda.


 

Wasiir Barkhad Batuun ayaa talo ka waydiiyay Sheekh Cabdirisaaq qaabka ugu habboon ee wax looga beddeli karo habka ay idaacaddu u gudbiso qur’aanka, isaga oo muujiyay dedaalka wasaaradda ee lagu dhiirrigelinayo soo saarista qaariyiin tayo leh oo dalka kasoo baxa.


 

Dhankiisa, Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka talo bixiyay habraaca lagu soo xulayo qaariyada iyo sidii loo horumarin lahaa tayada akhriska Qur’aanka Kariimka ah.


 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo Madaxa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah.

     
Loading...