Wasiirka Xannaanada Xoolaha: "Sannadkan 2026-ka Waxa Dalka Ka Dhoofay In Ka Badan 3 Milyan Oo Neef"

Wednesday July 22, 2026 - 15:00:33
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda daahfurka Barnaamijka Xoolo-jire, ...


Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in xooluhu ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Somaliland, isagoo xusay in sannadka 2026-ka, inkasta oo aanu weli dhammaan, haddana dalka laga dhoofiyey in ka badan 3 milyan oo neef oo xoolo nool ah.


 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda daahfurka Barnaamijka Xoolo-jire, oo ujeeddadiisu tahay taageeridda iyo maalgelinta adeegyada la xidhiidha xannaanada xoolaha iyo horumarinta wax-soo-saarka xoolaha dalka.


 

Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqashada xooluhu ay tahay tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland, isla markaana ay tahay maalgashi faa’iido badan leh oo door muhiim ah ka qaata koboca dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka bulshada.


 

Wasiirka ayaa yidhi: "Sannadkan 2026-ka, xoolaha dalkeenna ka dhoofay waxay ka badan yihiin 3 milyan oo neef.”


 

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyey bulshada, gaar ahaan xoolo-dhaqatada, inay sii xoojiyaan daryeelka, taranta iyo horumarinta xoolaha nool, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, kor loogu qaado dhoofka xoolaha, loogana faa’iidaysto doorka ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo horumarinta dalka.

     
Loading...