HADHWANAAGNEWS
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dowladda Israel ay tahay dalkii ugu horreeyey ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, isagoo xusay inay noqon doonto saaxiib la isku halayn karo.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aqoonsigu aanu ku koobnayn xidhiidh diblomaasiyadeed oo keliya, balse uu yahay waddo ay Somaliland ku gaadhi karto fursado dhaqaale, amni iyo mid siyaasadeed oo ballaadhan.
"Dawladda Israel waa dawladdii keliya ee ku dhiirratay go’aan adag oo ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan aaminsanahay inay noqon doonto saaxiib la isku halayn karo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sidoo kale xusay in dalal kale ay mustaqbalka dhow aqoonsan doonaan Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey in dadaal iyo waqti badan la geliyey raadinta aqoonsiga.
Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay si midaysan u taageeraan guulaha la gaadhay, isaga oo sheegay in aqoonsigu uu Somaliland u suurtagelinayo inay door muuqda ku yeelato arrimaha amniga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Ugu dambayn, Madaxweyne Cirro waxa uu tilmaamay in aqoonsigu yahay fure muhiim ah oo Somaliland ka caawinaya horumarinta dalka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha caalamiga ah.