deg deg Madaxweyne Cirro Oo Fariin U Diray Dowladda Soomaaliya: "Waxaan Doonaynaa Inaan Noqonno Deris Walaalo Ah"

Tuesday April 14, 2026 - 10:22:20
HADHWANAAGNEWS
"Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa yidhi:


May be an image of dais

Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fariin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la gaadho heer aan dib loogu noqon karin oo ku saabsan xidhiidhka labada dhinac.


 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay la yeelato Soomaaliya xidhiidh ku dhisan derisnimo iyo walaaltinimo, balse aanay jirin wax dib loogu noqonayo arrimaha gooni-isu-taagga.


 

"Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa yidhi: ‘Dowladda Xamar waxaan ugu baaqayaa inay ogaato inaan gaadhno meel aanaan dib ugu soo noqonayn, waxaan keliya diyaar u nahay inaan noqono deris walaalo ah.’”


 

Waxa uu Madaxweynaha xusay in Somaliland ay doorbidayso wada-noolaansho nabadeed iyo iskaashi ku salaysan ixtiraam iyo deris wanaag, isaga oo caddeeyey in mowqifka Somaliland uu yahay mid cad oo aan dib uga laabanayn.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay marar kala duwan soo noqnoqdeen hadallo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrintani weli ka mid tahay qodobada ugu waaweyn ee siyaasadda gobolka.

     
Loading...