DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Sheegay In Xukuumaddu Dayn U Gashay Qaramaynta Iyo Qalabaynta Ciidanka Madaniga Ah

Tuesday April 14, 2026 - 10:28:45
HADHWANAAGNEWS
"Xukuumaddu waxay u gashay dayn qaramayntii iyo qalabayntii



Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu dayn u gashay hirgelinta qaramaynta iyo qalabaynta ciidanka madaniga ah.


 

Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabadan ay ahayd mid lagama maarmaan u ah xoojinta amniga dalka iyo dhismaha ciidamo qaran oo awood leh, isla markaana ka qayb qaata ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida.


 

"Xukuumaddu waxay u gashay dayn qaramayntii iyo qalabayntii ciidanka madaniga ahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaalladaasi ay ka mid yihiin qorshayaasha xukuumadda ee lagu horumarinayo hay’adaha amniga, si loo helo ciidan mideysan oo si hufan u shaqeeya.


 

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay xukuumaddu waddo qorshayaal lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo sugidda amniga dalka.

     
Loading...