hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Dowladda Maraykanka uga mahadnaqay hindiseyaasha sharci iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda goleyaasha sharci-dejinta Maraykanka, kuwaas oo si toos ah u taabanaya arrimaha Somaliland.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ahna Ku-simaha Safiirka, Mudane Justin Davis, oo booqasho rasmi ah ku joogay Somaliland.
Madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal nabad ah, dimuqraadi ah oo xasilloon, isla markaana ah saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Dowladda Maraykanku ku tiirsanaan karto.
Waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay mudnaanta siinayso xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo danaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac wadaagaan.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo ku dhisan nabad, xasillooni iyo iskaashi wax-ku-ool ah.