Madaxweyne Cirro oo Qaabilay Madaxa Hay'adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland oo Xilka Ka Degaya

Sunday June 07, 2026 - 15:58:40
hadhwanaagnews
Tedla Damte oo Bogaadiyey Somaliland




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland, Mr. Tedla M. Damte, oo xilka ka sii degaya kadib muddadii uu ka shaqaynayey Somaliland.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Mr. Tedla dedaalkii, hoggaamintii iyo waxqabadkii muuqday ee uu ku soo kordhiyey muddadii uu joogay Somaliland, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee la xidhiidha amniga, xasilloonida, dhismaha hay’adaha dawladda, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta carruurta iyo dhallinyarada.

 

Tedla Damte oo Bogaadiyey Somaliland

 

Dhankiisa, Mr. Tedla M. Damte ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay soo dhawaynta iyo wada-shaqayntii uu la yeeshay Xukuumadda Somaliland intii uu xilka hayey.

 

Waxa uu si gaar ah u ammaanay hoggaaminta Madaxweynaha iyo furfurnaanta ay la kulmeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

"Mudane Madaxweyne, waxa aan si gaar ah kuugu mahadnaqayaa kalsoonida, wada-shaqaynta iyo furfurnaanta aad ii muujiseen muddadii aan ka shaqaynayey Somaliland. Waxa ay ii ahayd sharaf weyn in aan la shaqeeyo Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi.

 

Waxa uu sidoo kale xusay in markii uu Somaliland yimid uu ahaa Madaxa UNICEF, balse uu ka tegayo isaga oo dareemaya inuu yahay saaxiib dhab ah oo Somaliland leedahay.

 

Somaliland oo Lagu Bogaadiyey Adkaysiga iyo Himilada

 

Mr. Tedla ayaa sheegay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee soo jiitay intii uu Somaliland joogay ay ka mid ahaayeen adkaysiga, himilada iyo dadaalka shacabka iyo dawladda Somaliland ugu jiraan dhismaha mustaqbal ku salaysan nabad, wada-hadal, dulqaad iyo iskaashi.

 

Madaxweyne Cirro oo U Rajeeyey Guul

 

Gabagabadii kulanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Mr. Tedla M. Damte u rajeeyey guul iyo horumar mustaqbalka, isaga oo uga mahadnaqay kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaatay horumarinta mashaariicda iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa hadallo kooban ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, iyo Madaxa ku-simaha Xafiiska Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Somaliland, Dr. Fadumo Maxamed Ismaaciil.

     
Loading...