hadhwanaagnews

Siyaasi Cismaan Dubbe, oo xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay ka fogaadaan hadallada xanafta leh ee lagu kala fogaanayo baraha bulshada.
Cismaan Dubbe ayaa sheegay in hadallada iyo doodaha bulshada kala qaybinaya, haddii loo turjumo beesha caalamka, ay dhaawici karaan dadaallada socda ee la xidhiidha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ay si mideysan u garab istaagaan dedaallada diblomaasiyadeed ee socda, isla markaana ay yareeyaan wax kasta oo dhaawici kara sumcadda iyo sawirka Somaliland.
Sidoo kale, Siyaasi Cismaan Dubbe ayaa xusay in kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay ka muuqatay rajo iyo yididiilo wanaagsan oo ku saabsan mustaqbalka Somaliland.
"Maalmihii Wacnaa Way Soo Socdaan,” ayuu ku soo gabagabeeyey farriintiisa.