Ciidanka Booliska Somaliland oo Daah-furay Tababar Ku Saabsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo Xidhiidhka Bulshada

Monday June 01, 2026 - 14:38:49
hadhwanaagnews
Isagoo ka hadlayey munaasibadda furitaanka tababarka, Gaashaanle


Taliyaha Tababarrada Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabduqaani Ciise Maygaag, ayaa si rasmi ah u daah-furay tababar cusub oo loo qabanayo saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha bani’aadannimada iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya booliska iyo bulshada.


 

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta habka booliska bulshada, kor u qaadista kalsoonida shacabka ee ciidamada ammaanka, iyo tayeynta xirfadaha saraakiisha ka hawlgala guud ahaan Somaliland.


 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo shaqada booliska iyo kor u qaadista adeegyada ay u hayaan bulshada.


 

Isagoo ka hadlayey munaasibadda furitaanka tababarka, Gaashaanle Sare Cabduqaani Ciise Maygaag ayaa sheegay in ciidanka boolisku yihiin hay’adda ugu dhow bulshada, maadaama shacabka ay ku tiirsan yihiin sugidda amniga, ilaalinta nafta iyo hantida, iyo gudbinta cabashooyinka iyo baahiyaha maalinlaha ah.


 

Waxa uu xusay in xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa booliska iyo bulshada ay muhiim u tahay dhismaha kalsooni iyo amni waara.


 

Tababarka ayaa la filayaa inuu kor u qaado aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta adeegyada booliska iyo xoojinta wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga.


 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, si loo xoojiyo adeegyada amniga iyo ilaalinta bulshada.

     
Loading...