hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga sameeyey arrinta E-Visa, isagoo xusay in dowladda Somaliland ay sii waddo dadaallada lagu dhammaystirayo waxyaabaha weli ka dhiman nidaamkaas.
Agaasimaha ayaa sheegay in dowladda Somaliland, iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, ay si joogto ah uga shaqaynayso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan arrinta E-Visa, isla markaana looga hortagi lahaa wax kasta oo uu sheegay in lagu xanibayo shacabka Somaliland.
Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa yidhi: "Illaa imika wax badan ayaa laga qabtay arrinta E-Visa ee shacabka. Somaliland, dowladda iyo saaxiibada caalamka waxaanu wadnaa dadaal weyn oo aanu kaga hortagayno caqabadaha iyo jidgooyooyinka reer Somaliland loogu talogalay in lagu cunaqabateeyo.”
Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in ay jireen, sida uu sheegay, arrimo kale oo la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliland, balse dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay si wadajir ah uga hortageen, isagoo carrabka ku adkeeyey in arrinta E-Visa ay ka mid tahay caqabadaha ay dowladda ka shaqaynayso sidii xal waara loogu heli lahaa.
Waxa uu ugu dambayn sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso ay sii wadi doonaan dadaallada lagu fududaynayo adeegyada socdaalka iyo ilaalinta danaha shacabka Somaliland.