Wasiirka Warfaafinta: "Arrimaha Gobolka Sool Waxa Lagu Xallinayaa Nabad Iyo Wada-hadal"

Monday July 27, 2026 - 14:17:12
hadhwanaagnews
Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay in arrimaha ka taagan Gobolka Sool lagu wajaho hannaan nabadeed iyo xal-raadin, isagoo adkeeyey in wada-hadalku yahay jidka ugu habboon ee lagu gaadhi karo xal waara.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ilaalinta nabadda, is-afgaradka iyo wada-hadalku ay yihiin tiirarka lagu xallin karo khilaafaadka, isaga oo xusay in xukuumaddu ay mudnaan siinayso dadaallada lagu adkaynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan hadallada kicinta ah iyo wararka aan xaqiiqada ku dhisnayn ee bulshada lagu dhex faafiyo, kuwaas oo uu sheegay inay wax u dhimi karaan nabadda iyo wadajirka bulshada.

 

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayuu Wasiirku yidhi: "Xallinta hawlaha Gobolka Sool ee xukuumaddu waa in lagu wajaho hab nabadeed iyo xal-raadin. Shacabkuna dhagaha ha ka fureystaan dhangagaalaha dhexdooda ku wada kicinta iyo been-abuurka.”

 

Wasiirka ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xallinta arrimaha Gobolka Sool, isagoo bulshada ugu baaqay inay taageeraan dadaallada nabadeed kana fogaadaan wax kasta oo horseedi kara xiisad iyo kala qaybsanaan.

     
Loading...