hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in Wasaaraddu la xisaabtami doonto shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, kaddib markii lagu soo warramay in lacag lagu xidhay adeegga lagu eegayo natiijada imtixaannada shahaadiga ah ee ardayda fasalka 4-aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in ay khalad tahay in arday muddo u dhexaysay 8 ilaa 12 sano waxbarasho ku jiray laga doonayo lacag si uu u helo natiijada imtixaankiisa, isagoo tilmaamay in adeegga Aqoon-maal lagu xidhay shuruud lacag-bixin ah.
Waxa uu yidhi:
"Waxa aanu ka xumaanay in ay maanta soo baxday in halkii ardayda lala qaybsan lahaa farxadda, shirkadda Telesom waalidiinta ku soo rogto lacag si ardaygu imtixaankiisa u eego. Waanu la xisaabtamaynaa cidda ku kacday, tallaabana waanu ka qaadi doonaa.”
Wasiirka ayaa shirkadda Telesom ugu baaqay inay dib uga noqoto tallaabada lacagta lagu xidhay adeegga Aqoon-maal, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi mid aan habboonayn, gaar ahaan xilli Wasaaraddu shaacisay natiijooyinka imtixaannada.
Waxa uu sheegay in Wasaaraddu arrintan si gaar ah ula tacaali doonto, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cidda masuul ka ah haddii ay xaqiijiso in adeegga natiijooyinka ardayda si aan habboonayn lacag loogu xidhay.