hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in arrimaha nabadda ee Laascaanood lagu wajahayo nabad aan wax shuruud ah lagu xidhin, taas oo uu sheegay inuu hormuud ka yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Guddoomiye Jirde ayaa sheegay in Madaxweynaha uu guddida ku hoggaamiyey in dadaallada nabadda lagu wajaho si aan shuruudo hore loogu xidhin.
Waxa uu yidhi:
"Waxa uu Madaxweynuhu nagu hoggaamiyey nabad bilaa shuruud ah, wax shuruud ah oo aad nabadda ku xidhaan yaanay jirin.”
Cabdiqaadir Jirde ayaa sidoo kale sheegay in marka laga hadlayo nabadda Laascaanood ay mudnaanta koowaad leedahay in xal loo helo arrimaha khuseeya sii-daynta maxaabiista iyo fududaynta isku socodka shacabka.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in wax ka qabashada arrimahaasi ay qayb muhiim ah ka noqon karto dadaallada lagu gaadhayo nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin bulshada dhexdeeda ah.