HADHWANAAGNEWS
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay jiraan dalal kale oo ku soo wajahan aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu xusay in Israa’iil ay ku dhiirratay aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadaasi ay furayso albaab cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah, isla markaana ay kor u qaadayso rajada Somaliland ka qabto helitaanka aqoonsi caalami ah.
"Ka dib markii Israa’iil ku dhiirratay aqoonsigeenna, waxaa jidka ku soo jira aqoonsiga dalal kale, waxa kale oo jira dowlado badan oo si dadban noola shaqaynaya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay muddo dheer ku hawlanayd raadinta aqoonsi caalami ah, isla markaana ay jirto horumar la taaban karo oo laga sameeyay xidhiidhada dibadda.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay Somaliland sii xoojinayso dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah, iyadoo la filayo in hadalladani ay kiciyaan falcelinno kala duwan oo ka iman kara dhinacyada siyaasadeed ee gobolka.