Wasiir Barkhad Batuun: "Shacabka Somaliland waa inay dunida tusaan jiritaanka iyo horumarka dalkooda"

Sunday May 10, 2026 - 13:59:03
hadhwanaagnews
Barkhad Batuun ayaa sheegay in gobolka Awdal uu laf-dhabar,,,,



Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in shacabka Somaliland looga baahan yahay inay dunida u muujiyaan horumarka, jiritaanka iyo dowladnimada dalkooda, isaga oo xusay in himiladii muddada dheer loo soo halgamayey ay ahayd helitaanka aqoonsi buuxa oo caalami ah.


 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Borama kula yeeshay warbaahinta gobolka, halkaasi oo uu kaga hadlay kaalinta taariikhiga ah ee gobolka Awdal ku leeyahay dhismaha iyo jiritaanka Somaliland.


 

Barkhad Batuun ayaa sheegay in gobolka Awdal uu laf-dhabar u yahay dowladnimada Somaliland, isaga oo tilmaamay in gobolkaasi door weyn ku lahaa unkankii dowladnimada, curinta calanka qaranka, hal-abuurka heesta calanka, nabadayntii shirkii 1993, hoggaaminta siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo horumarinta aqoonta bulshada.


 

"Waa in aynu dhagaha bulshada Somaliland iyo ta dunidaba tusno dalkeena, maadaama himiladii loo soo halgamayey ay ahayd aqoonsigaas. Awdal waxay udub dhexaad u tahay jiritaanka Somaliland,” ayuu yiri Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.


 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ku bogaadiyey shacabka gobolka Awdal doorka ay ku leeyihiin nabadda, wadajirka iyo horumarka Somaliland, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo midnimada iyo wada shaqaynta bulshada.

     
Loading...