hadhwanaagnews
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in cadawga Somaliland aanu raalli ka ahayn horumarka, nabadda iyo wanaagga ay gaadhay Somaliland, isagoo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga qayb qaataan ilaalinta amniga dalka.
Taliyuhu wuxuu xusay in amnigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo horumar, maalgashi iyo xasillooni bulsho, isla markaana loo baahan yahay in bulshada iyo hay’adaha ammaanku iska kaashadaan sugidda nabadgelyada.
Sidoo kale, wuxuu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay carqaladayso amniga iyo deganaanshaha Somaliland, isagoo adkeeyay in ciidamada ammaanku heegan buuxa ugu jiraan ilaalinta shacabka iyo qaranka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay dadaal ku bixinayso xoojinta amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.