Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadallo Lagu Wado Israa'iil Si Looga Hortago Xidhiidhka Somaliland

Tuesday April 14, 2026 - 06:45:15
hadhwanaagnews
Waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso



Muqdisho (Hadhwanaag) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wafdiyaal ka socda xukuumadda Soomaaliya ay dhowr jeer safarro ku tageen dalka Israa’iil, arrintaas oo uu ku sheegay mid la xidhiidha dadaallo lagu doonayo in heshiis lala gaadho Israa’iil.


 

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ujeeddada socdaalladaasi ay tahay sidii loo wiiqi lahaa ama meesha looga saari lahaa xidhiidhka la sheegay inuu dhex maray Somaliland iyo Israa’iil.


 

Waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed ee Israa’iil, si ay uga hortagto saamaynta siyaasadeed ee ka dhalan karta xidhiidh kasta oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.


 

Sidoo kale, xildhibaanku waxa uu carrabka ku adkeeyey in arrintani ay ka mid tahay qorshayaasha siyaasadeed ee xukuumadda Soomaaliya ay ku wajahday arrimaha dibadda, gaar ahaan xidhiidhada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.


 

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay jiraan hadal-hayn la xidhiidha xidhiidhka Somaliland la yeelan karto dalal kala duwan, taas oo mararka qaarkood dhalisa falcelin siyaasadeed oo ka timaadda dhinacyada kale ee gobolka.

     
Loading...