Channel 14: Warbixin Iftiimisay Xidhiidhka Sii Xoogaysanaya ee Somaliland iyo Israa'iil

Sunday May 31, 2026 - 14:22:19
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay warbixinta, ka qayb-galka weftiga Israa'iil kuma



Warbixin uu baahiyey Telefiishanka Channel 14 ee Israa’iil ayaa si faahfaahsan uga hadashay xidhiidhka siyaasadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil, iyada oo tilmaantay in labada dhinac ay sii xoojinayaan wada-shaqaynta ka socota gobolka Geeska Afrika.


 

Weriyaha diyaariyey warbixintan, oo ku sugnaa magaalada Hargeysa intii lagu guda jiray munaasabadda xuska 18-ka May, ayaa si gaar ah u sharaxay ka qayb-galkii wefti ballaadhan oo ka socday Israa’iil oo kasoo qayb galay dabaaldegga maalinta qarannimada Somaliland.


 

Warbixinta ayaa sheegtay in weftigaasi ay heleen soo dhoweyn heer sare ah, taas oo muujinaysay heerka xidhiidhka iyo isfahamka ka dhexeeya labada dhinac.


 

Sida lagu sheegay warbixinta, ka qayb-galka weftiga Israa’iil kuma koobnayn munaasabad dabaaldeg oo keliya, balse waxa lagu tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo muujinaysa danaha siyaasadeed iyo istiraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Israa’iil.


 

Channel 14 ayaa sidoo kale iftiimiyey muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan xeebaha ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyo u dhowaanshaha marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamka.


 

Warbixintu waxay xustay in goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ay ka dhigeyso meel muhiim u ah amniga gobolka iyo badqabka maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinada badda ee caalamiga ah.


 

Qaybaha sida weyn loogu hadal hayey warbixinta waxaa ka mid ahaa casho-sharaf lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo Madaxweynaha Somaliland lagu guddoonsiiyey hadiyad la sheegay inay la xidhiidho nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil.


 

Warbixinta ayaa arrintaas ku tilmaantay calaamad muujinaysa sii xoogaysiga xidhiidhka siyaasadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac, iyadoo lagu tilmaamay mid ka tarjumaysa heer cusub oo wada-shaqayn iyo isdhexgal diblomaasiyadeed.

     
Loading...