Golaha Xildhibaannada DDS Oo Ansixiyey Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda Ee Sannad-miisaaniyadeedka 2025/2026

Monday July 27, 2026 - 14:13:17
hadhwanaagnews
Fadhiga Golaha Xildhibaannada ayaa lagu lafaguray warbixinta Madaxweynaha, i

 

May be an image of one or more people, crowd, newsroom and text

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Muxumed Cumar, ayaa Golaha Xildhibaannada u soo bandhigay warbixinta waxqabadka Xukuumadda ee sannad-miisaaniyadeedka 2025/2026, taas oo lagu soo bandhigay waxqabadka hay’adaha dowladda iyo qorshayaasha horumarineed ee la fuliyey muddadaas.

 

Fadhiga Golaha Xildhibaannada ayaa lagu lafaguray warbixinta Madaxweynaha, iyadoo mudanayaashu ay dood iyo falanqayn ka yeesheen qodobada ku xusan warbixinta, isla markaana ay su’aalo iyo aragtiyo ku biiriyeen waxqabadka dowladda.

 

Kadib dood iyo falanqayn ay yeesheen xubnaha Golaha, waxaa cod loo qaaday warbixinta, waxaana ugu dambayn si rasmi ah u ansixiyey Golaha Xildhibaannada Dowladda Deegaanka Soomaalida.

 

Ansixinta warbixintan ayaa muujinaysa dhammaystirka hannaanka isla xisaabtanka ee u dhexeeya Golaha Xildhibaannada iyo Xukuumadda, iyadoo sidoo kale saldhig u noqonaysa sii wadista qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada bulshada ee Dowladda Deegaanka Soomaalida.

 

Warbixinta ayaa diiradda saartay waxqabadkii la qabtay intii lagu jiray sannad-miisaaniyadeedka 2025/2026, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida uu Golaha uga warbixiyey horumarka laga sameeyey qaybaha kala duwan ee adeegyada iyo maamulka.

     
Loading...