DEG DEG Madaxweynaha JSL Oo Ku Baaqay Nabad, Isdhaafsi Maxaabiis Iyo Ganacsi, Kana Hadlay Caqabadaha Laascaanood

Tuesday April 14, 2026 - 10:14:59
HADHWANAAGNEWS
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cirro ayaa xusay in ay jiraan



Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo jeedinayey khudbaddiisa sannadlaha ah, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland diyaar u tahay nabad iyo wada-shaqayn dhexmarta Somaliland iyo Woqooyi-bari, oo ay ku jiraan isdhaafsi maxaabiis iyo fududaynta isku-socodka ganacsiga.


 

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in la helo xal nabadeed oo waara, isla markaana la xoojiyo xiriirka dhinacyada kala duwan, si loo yareeyo xiisadaha jira.


 

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cirro ayaa xusay in ay jiraan caqabado ka jira dhinaca Laascaanood, isaga oo tilmaamay in arrimo badan oo la xidhiidha hirgelinta dadaalladaasi ay halkaasi ka socon la’yihiin.


 

"Waxkasta dhinaca Laascaanood ayey ka socon la’ yihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha, isagoo muujiyey in ay jiraan arrimo u baahan in la xalliyo si loo horumariyo wada-hadallada nabadeed.


 

Khudbadda Madaxweynaha ayaa timid xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan qaar ka mid ah deegaannada bariga Somaliland, iyadoo hadalkan uu noqonayo mid muujinaya jihada ay xukuumaddu u wajahayso arrimaha nabadda iyo wada-xaajoodka.

     
Loading...