hadhwanaagnews
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa Golaha Wasiirrada usoo jeediyey in la xoojiyo xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee WADDANI, si loo adkeeyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhkan uu muhiim u yahay kor u qaadista isla-xisaabtanka, la socodka baahiyaha bulshada iyo is-waafajinta qorshayaasha xukuumadda iyo himilooyinka siyaasadeed ee xisbiga talada dalka haya.
Waxa uu sidoo kale Golaha Wasiirrada u sheegay in barnaamijka "La Hadal Xisbigaaga” uu yahay hannaan lagu xoojinayo wada-xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga WADDANI, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha horumarinta iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa carrabka ku adkeeyey in wada-shaqayn dhow oo u dhexaysa hay’adaha fulinta iyo xisbiga talada haya ay ka qayb qaadan karto hagaajinta maamulka, kor u qaadista waxqabadka iyo la jaanqaadka baahiyaha shacabka.