Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Caynabo Ka Dhagax-dhigay Ceel-biyood Cusub

Monday September 28, 2026 - 20:51:08
hadhwanaagnews
Mashruuca ayaa qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo helitaanka adeegyada



Caynabo — Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, oo ay weheliyaan wasiirro, agaasimayaal guud iyo xildhibaano, ayaa maanta gaadhay magaalada Caynabo, halkaas oo ay si wadajir ah uga dhagax-dhigeen ceel-biyood cusub oo laga hirgelinayo magaalada.

 

Ceel-biyoodkan cusub ayaa ah mashruuc ay iska kaashanayaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland iyo Hay’adda UNICEF, iyadoo maalgelintiisana ay taageerayso Dowladda Netherlands.

 

Mashruuca ayaa qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo helitaanka adeegyada biyaha ee magaalada Caynabo, xilli baahida bulshada ee biyo ku filan ay sii kordhayso.

 

Marka la dhammeystiro, ceel-biyoodka cusub ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono baahida biyaha ee bulshada magaalada Caynabo, isla markaana uu kordhin doono helitaanka biyo ku filan oo bulshada loogu adeego.

     
Loading...