Hoggaamiye Qabyo-tire Oo Eedaymo U Jeediyey Maxamuud Xaashi, Kana Hadlay Khilaafka Xisbiga

Tuesday April 14, 2026 - 06:59:27
hadhwanaagnews
Hoggaamiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin wax isu hadhay

May be an image of dais


Hargeysa (Hadhwanaag) – Hoggaamiye Qabyo-tire ayaa hadallo kulul ka jeediyey khilaaf la sheegay inuu ka dhex taagan yahay xubno ka tirsan xisbiga, isagoo si gaar ah eedaymo ugu jeediyey siyaasiga Maxamuud Xaashi.


 

Hoggaamiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin wax isu hadhay oo u dhexeeya ARAB iyo Maxamuud Xaashi, isaga oo tilmaamay in mustaqbalka xisbiga uu marayo xaalad aan la hubin.


 

"U malayn maayo in ARAB iyo Maxamuud Xaashi wax iskugu hadheen, waanad arki doontaan xisbigaasi halka uu ku dambeeyo,” ayuu yidhi Hoggaamiye Qabyo-tire.


 

Sidoo kale, waxa uu ku eedeeyey Maxamuud Xaashi inuu ka baxay ballan uu hore ugu qaaday, isaga oo sheegay inuu ku dhaartay inuu ku wareejinayo jagada guddoomiyaha balse aanu ka fulin.


 

"Maxamuud Xaashi Xaramkuu iigu dhex dhaartay in uu guddoomiyaha igu wareejinayo, balse dhaartii ayuu ka baxay markii uu dalka kusoo noqday,” ayuu hadalkiisa ku daray.


 

Dhanka kale, Hoggaamiye Qabyo-tire ayaa ku dhaliilay qaabka loo maamulayo xisbiga, isagoo ku tilmaamay mid lagu kala abtirinayo deegaan ahaan, taas oo uu sheegay inay tahay arrin nasiib darro ah oo wax u dhimaysa midnimada xisbiga.


 

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo ka dhex aloosan qaar ka mid ah xisbiyada Somaliland, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka.

     
Loading...