Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Soo Dhaweeyay Xeerka H.R.7993: "Furaha Ka-bixista Go'doonka Maaliyadeed"

Wednesday March 25, 2026 - 00:11:33
hadhwanaagnews
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrintani aanay ku koobn



Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa si weyn u bogaadiyay hindise-sharciyeedka H.R.7993, oo ay soo bandhigeen Xildhibaan John W. Rose iyo mudanayaal kale oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in laga saaro caqabadaha Somaliland ka hor taagnaa inay si toos ah ula macaamisho nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka iyo kan caalamiga ah.


 

Guddoomiyuhu waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter), isagoo xusay in hore uu warqad rasmi ah ugu diray Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka 29-kii January 2026, taas oo uu ku iftiimiyay muhiimadda istiraatijiyadeed ee ay leedahay in Somaliland loo aqoonsado inay waafaqsan tahay nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah.


 

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrintani aanay ku koobnayn oo keliya xuquuq dhaqaale, balse ay door muhiim ah ka qaadanayso xasilloonida gobolka iyo koboca dhaqaalaha.


 

Guddoomiye Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay in Baanka Dhexe ee Somaliland uu ku hawlan yahay dib-u-habayn ballaadhan oo dhinaca maaliyadda ah, oo ay ka mid yihiin:


 

Xoojinta siyaasadaha iyo xeerarka maaliyadeed

Dhisidda nidaamyo casri ah sida lacag-bixinta degdegga ah

Horumarinta kaabeyaasha bangiyada iyo caymiska

Adkaynta amniga internetka


La dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada


 

Waxa uu tilmaamay in ku biirista nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ahi ay Somaliland ka saari doonto go’doonkii dhaqaale ee muddada dheer jiray, isla markaana ay kordhin doonto kalsoonida maalgashadayaasha iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed.


 

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay inay noqoto bahwadaag maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo, kuna shaqaynaysa ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa gobolka, taas oo dan u ah Somaliland iyo Maraykanka labadaba.

     
Loading...